NotesWhat is notes.io?

Notes brand slogan

Notes - notes.io

Asalaamu Calaykum Waraxma Tullahi Wabarakaatu: kusoo dhawada dawadayaal barnamij aan uga hadli doono
Waa maxay ururuka sama kaab?
Barnaamijka waxa idiin qaada dhigaya anigoo ah Maryama waxa qayb wayn ka geystay dhamaan Dhalinta Ururka
"Samo Kaab" oo u tagan had iyo jeer horumarka iyo wax tarka Dalkooda hooyo
Waa xaqiiq inaad ka heli doonto xilka ay isi saartay dhalinyarada aasaasay ururkan kuna dhiiraday
ka qayb qadashada horumarka dalkooda hooyo.

Imimkana waxan guda gali doona ujeediyonka iyo hiigsiga dhalinta asasay ururka samo kaab
magcaba ka garo inuu yahay macna wayn ururka sama kaab.
Hadii waaya badan
Waqtigii so lumoo
Waxtar iyo wanis iyo
Wa weecanay wada jirkii
Waqtigii waa u yimid
Wayuhu sidiii maha wali
Wadankeniyo dhulkeenii
Wacnaa walle wan usoo kacnee
Gacakii is waya iyo
Walaliki kala wecdayow
Waqeeni waka na dhaafee
Wadajir aan wax ku goosanee
Samo aan isku kaabno ee
Walal gacalkay baa tahaye
Gacan gacaltooyo hoo
Adiguna taada ii dhiib.

Waa hagaag!!!!!! waxan sii anba qaadi doona barnamika qaybihisa kale
hadaba daawade. ma garanaysaa uruka "samo kaab"?
maxay tahay ujeedadisa?
maxaa loo aasasay?
muxuusa uga duwanyahay ururadii hore loo asasay?
yaase aasasay ururkan?
Ururk waa urur ka shaqeynaya wacyi galinta dib u Diska taakulada
Sare u qadista Wax barashada Caafimadka iyo helidda Biyo nadiifa.

Ururka waxaa aasaasay koox dhalin yara ah oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa
kuwaas oo dareemay baahi in loo qabo in la sameeyo koox ay ku midaysanyihiin
dhalinyarada.

Waxaa loo asaasay haqab tirka baahiyeed eee ka gaabiyeen dawrkooda dhalinyarada
waana urur u tagan had iyo jeer danaha dalkooda iyo deegaankooda si ay
u dareemaan dadku wax tarka dhalinyaro ee mudadanba kasoo muuqan dalkeena
una beeniyaan magac xumada dhalinyarda soo gaadhay wayihii lumay
waxay garawsadeen dhulka manta inu u bahanyahay dhalin u kacda
madama dawrka dhalinyarada tahay mid laf dhabar u ah shacabka iyo deegankaba.

Ururka "Samo Kaab" waa urur ka duwan uraradii ka asasmay dalka muddoyinkii danbe
waa urur ay ku midesanyihiin dhalinyaro isku kashaday cilmi iyo aqoon waana mid aad
loogu bahnaa muddo hore maadama ururka "Sama Kaab" uu yahay ururkii ugu horeyay
ee dhalinyaro hogaaminayso ka asasmay dalka muddo laga joogo 25sano ka dib markii
burbur iyo dhawac xoogan soo gaaray dalkena hooyo mana hirgalin urur kale
ooo dhalinyaro hogaaminayso ka dib ururkii adun waynaha ka hir galay ee aha ururkii "S.Y.L".

Waxana rajeynaynaa inuu ururkan noqdo mid guul iyo horumar ka gaara hadafkiisa
oo ah innaysan dhibaatoon hooyo macaan oo run ahantii aan dhib mooye abaal helin
halyey walbo ay dhashana uu hub ku holciyay kana qixiyay nabadii
inaysan dhibaatoon caruur iyo ciroolaba.

ma ogtahay adunyada cuqubo ayaa ugu xun miyaydaan dareemin dhalinyarooy
miyeydnan ka qiiroon dhibatada ohinta hooyo caruur dad maatiya malin waliba
ki jiraan miyanay indhaheenu arag ajnabi inuu ka oohiyo hooyadeen
ma aadan dareemin qaxa iyo rafaadka aay hooyo la hoos joogto cadaw aan
ciil mmoyee ciirsi kale lahayn hooyo miyaysan ahayn midda habeen iyo malin
nooso jeeday hooyo miyanay ahayn midii cadawgeena si aan uga badbadno dhibatada
isaga keen dhigi jirtay maxaad u ilowday hooyo maxaad u baday silac aydadoo
kuu baahan maxaad uga dhaqaday dhlinyarooy miyay inaga mudneed hooyo
rafaad aabe soo maaha midka shalay xoogiisa nugusoo dhaqaleeyay manta
maxaan ugu gudnay ablkiisa ma inan garabkiisa joogin ma
inan qarxinoo xumayno aaway gacalkiyo xigaaladi
garashadeeni meeday kaca dhalinyarooy hooyo ayaa ino qayla dhaminaysa
aabe iyo gacalkan waxb awodin ayaa xoogeena maskaxdeena iyo wax qabadkena
sugaya kuna haminaya ha ioobin waxa tahay awood qaran qiyaaliga iska daa
kac maanta dadkagi baa dhibataysan u kac u kac hooyo manta oon iyo haraad
bay u dhimatee u kac cruurti ma yeeranka ahayd wey ba be'een baahi darteed
miyanay ku xanujin xaqiiqada hooyo qalbiga ka oyaysa aya tiri: wa sidaan dareemayo
masadan waxan ku xiraya barnamijka si dad badan u dareman garka ay u bahantahay hooyo
gaar ahaan guud ahaana maatidan xoog iyo xeel xaqooda ku goosa karin
waxay ugu magac daray "hoohey hooyo"

Halyeeygii aan dhaloow hooyo
Hooheey adan ku hamun qabaa hooyo
Hoheey beerkiyo wadnaha hooyo
Hoheey adaan kugu hayaa hooyo
Hoohey hamuuntiyo gajadii hooyo
Hoheey wan ka saaray hooyo
Hoheey hamigii aad lahayd hooyo
Hoohay waad gaadhay hooyo
Hoohey hiigsigaagii dheeraa
Hadii aad gaadhay hooyo
miyaad i himamtay hooyo
miyad ii hiloobin hooyo
Halowba miyad i oran
hooheey haradkayga hooyo
Hoheey yaa dareema hooyo
Hohey howd cidla ah hooyo
Hohey ku haraaday hooyo
Hoheey umul racday hooyo
Hohey oon iyo haraad hooyo
Hoheey hanfi iyo kulel hooyo
hoohey bay hareyay hooyo
Hohey gurmad malaha hooyo
Hoheey hoos la,anta iyo
Habaas baa i helay hooyo
hooheey hobiyaha iyo
Hubiyo habaas iyo haraad
ayaa hooyoy lay baday
Hoheey hilibkaygiyoow hooyo
hooheey habaar kuma quuro hooyo
Hoohey hadan dunidan ka tago hooyo
hoohey har iyo hoos hooyo
hooheey adigu igu hiro hooyo












     
 
what is notes.io
 

Notes.io is a web-based application for taking notes. You can take your notes and share with others people. If you like taking long notes, notes.io is designed for you. To date, over 8,000,000,000 notes created and continuing...

With notes.io;

  • * You can take a note from anywhere and any device with internet connection.
  • * You can share the notes in social platforms (YouTube, Facebook, Twitter, instagram etc.).
  • * You can quickly share your contents without website, blog and e-mail.
  • * You don't need to create any Account to share a note. As you wish you can use quick, easy and best shortened notes with sms, websites, e-mail, or messaging services (WhatsApp, iMessage, Telegram, Signal).
  • * Notes.io has fabulous infrastructure design for a short link and allows you to share the note as an easy and understandable link.

Fast: Notes.io is built for speed and performance. You can take a notes quickly and browse your archive.

Easy: Notes.io doesn’t require installation. Just write and share note!

Short: Notes.io’s url just 8 character. You’ll get shorten link of your note when you want to share. (Ex: notes.io/q )

Free: Notes.io works for 12 years and has been free since the day it was started.


You immediately create your first note and start sharing with the ones you wish. If you want to contact us, you can use the following communication channels;


Email: [email protected]

Twitter: http://twitter.com/notesio

Instagram: http://instagram.com/notes.io

Facebook: http://facebook.com/notesio



Regards;
Notes.io Team

     
 
Shortened Note Link
 
 
Looding Image
 
     
 
Long File
 
 

For written notes was greater than 18KB Unable to shorten.

To be smaller than 18KB, please organize your notes, or sign in.